Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Tababar u soo xiray Cutubya ka tirsan Darawishta Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo muddo 6 Bilood ah tababar uga socday xerada Tababarada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Xorgoble.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ciidamada uu tababar ka u soo dhamaaya ku amaanay dadaalkii iyo dulqaad kii ay muujiyeen intii uu tababarka u socday waxaa uuna hoosta ka xariikhay in masuuliyiinta dowlad goboleedka Puntland ka go’antahay daryeelida ciidamada.

Sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland ayaa taliyaha ciidamada Darawiishta Puntland faray in ciidamadaan oo maray hanaanka diwaan galinta casriga ee cidamada loo dhamaytiro agabka ciidan iyo xaquuqdooda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close