Wararka
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo tababar u soo xiray Ciidamada Boliska ee Goodir ee Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay xaflad tababar loogu soo xiray Ciidamada Boliska ee GOODIR.
Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada, Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamada Boliska iyo masuuliyiinta kale ayaa dhankooda ka hadlay munaasabadaasi.
gudiga dib uhabaynta Ciidamada qalabka Side ee Puntland ayaa bilihii ugu danbeeyay waday dadaallo ay ku mideynayaan ciidamada iyo tirakoob rasmi ah oo ay ciidanka ka qaadaan.