Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Soomaaliland ku eedeeyay in ay taageero siisa Al-shabaab.

simaha madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta si rasmi ah u daahfuray wadada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Masuuliyiinta labada magaallo,wasiiradda  arrimaha gudaha iyo howlaha guud iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay daahfurka wadadan oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii mahiigaan ahaa ee ka da’ay deegaanada Puntland.

Wasiiradda arrimaha gudaha iyo howlaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed C/Raxmaan Dhaban Cad iyo Axmed Bashiir Muuse ayaa munaasabadda daahfurka ka sheegey in laga wada shaqeyn doono dib u dhiska iyo horumarka deegaanada Puntland.

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahdceliyay shirkadaha ka qeyb qaatay dhismaha wadadan.

Isla dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay taageero siiso al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay dagaal kula jirto Al-shabaab balse Somaliland ayb tahay meesha Al-shabaab laga taageero.

“Shabaab Puntalnd ma jooge mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa isgaraacaayo har iyo habeen walbo waxaan isleenahay meesha lagu badbaadiyo oo lagu taakuleeyo waa dhinacina”

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close