Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Oo Qayb galay Shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay wasiirada Wasaaradaha barnaamijkan bahwadaagta la ah iyo hay’addaha qaybta ka ah mashruucan kor uqaadista nafaqada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed Cilmi Cimaan oo shirka furay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirkaan, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in laga mira dhaliyo mashruucaan.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash daneeyaasha mashruucaan usoo jeediyay in sida ugu wanagsan looga shaqeeyo ka hortaga nafaqa darida, waxaana uu tilmaamay in arintaasi dowladda ay ka go’an tahay sidii ay wax looga qaban lahaa, hay’ada qaybta ah ku ayuu booriyay inay kor u qaadaan arimaha nafaqaynta ee ka wadaan deegaanada Puntland.Image may contain: 16 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close