Wararka
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC).

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mr. Tim Filip Ros oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda.
Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo masuuliyiin kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo dadka ku waxyeelooba colaadaha hubaysan ee ka dhaca deegaanada kala duwan.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sarkaalka ka socday Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda iyo shaqada ay ka wadaan Puntland.