Wararka
Wasaradda Beeraha Jubbaland oo qabatay tababar ku aadan la dagaalanka Ayaxa.

Wasiirka Beeraha dowlad goboleedka Jubland Geele Maxamed ayaa maanta Daah furay Tababar la xariira sida loola Dagaalamo Ayaxa kaas oo ay ka qayb galeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Beeraha Jubbaland.
Wasiirka ayaa shaqaalaha kula dar daarmay in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan tababarkaan isla markaasna ay ugu faa’iideeyaan shacabka dagan deeganada Jubbaland ee isugu jiro beeralayda iyo xoolalayda ee uu saamaynta ku yeeshay ayaxa.
Tababarkaan ayaa ka kooban ilaa afar waji oo socon doona in muddo ah waxaana inta uu socda ay shaqaalaha qaadan doonaan cashara ku aadan farsamooyinka la dagaalanka ayaxa oo saamayn ballaaran ku haayo dhamaan deeganada Soomaliyeed.