Wararka
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Ku sugan Imaaraadka oo La Kulansan Mas’uuliyiin Ka Tirsan Imaaraadka.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga ayaa Maanta la kulansan mas’uuliyiiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kamid ah ganacsatada waddankaasi.
Axmed Karaash oo safarkiisi ugu horreeyay dalka uga baxay tan iyo markii la doortay ayaa sii maray waddanka Djibouti halkaasi oo uu kaga qeyb-galay xuska maalinta Xorriyadda Djibouti oo ku beegan 27 bisha June.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa mudada uu safarka ku joogo dalka Imaaraatiga waxaa la filaya in uu sii wado kulamada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka iyo ganacsatada waddankaasi.