Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland oo ka qayb galay isu soo bax Roob doon.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa manta ka qayb galay isu soo bax Roob doon oo bulshada kudhaqan Puntland iskuugu timid iyagoo Eebbe waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland waxaa ku wehlinaayay isu soo baxa roob doon maamulka gobolka Nugaal, kan dagmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladda, culimo, Isimo iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan iyadoo dadka ay iskuugu soo baxeen meel magaalada bannaankeeda ah halkaas oo ay salaadi roob doon ku tugteen.

Dhamaan Isimadii iyo Culimadii qodbadooda ayaa ku jeeday in ay shacabka Eebbe u noqdaan, ayna iska dhaafaan waxyaabaha keenaya in raxmaddu yaraato.

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dadweynaha Puntland ku waaniyay inay is cafiyaan, waxaana uu tilmaamay in abaaraha soo noqnoqday ay ka dhasheen danbiyada la galayo, loona baahan yahay in Eebbe loo noqdo si culayska uu inooka dulqaado.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ugu dambayn shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmad loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen oo xilligan ku jira xaalad adag.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close