Wararka
MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO FURAY SHIRKA MAAMUL DAADEJINTA PUNTAND.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland.
Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland.
Sidoo kale shirka waxaa lagu gorfeeyay sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa qaabka ay Dowladdaha hoose door ugu yeelan karto Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.