Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu si rasmi ah u daafuray Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland, wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay maamulka uu siinaayo in la horumariyo Waxbarashada.

Barnaamijkan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin, Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada Adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo Waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaamada ka fog fog magaalooyinka waaweyn.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku-xigaanka kala qeybgalay Masuuliyiinta Waaaaradda Waxbarashada, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Madaxda Hay’addaha kala shaqeynaya Wasaaradda Barnaamijkan oo uga qeybgalay kulanka hab maqal iyo muuqaal ah, qaar ka mid ah ardeyda Puntland iyo marti sharaf kale.Image may contain: one or more people, people standing and beardImage may contain: 16 people, people standingImage may contain: 5 people, people sitting and suitImage may contain: 4 people, people sitting and shoes

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close