Wararka
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Anbabaxay dalka Turkiga.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qaybgelayaan Shir ku saabsan Maalgashiga Turkiga ee Afrika.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaan isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.
“Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”.Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.