Wararka
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland oo kulan la qaatay u qaabilsanaha Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya Iyo Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay u qaabilsanaha Hay’adda Qaxoontiga adduunka ee UNHCR ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, Tekeshi Moriyama, iyo masuuliyiin ka socday hay’addaaas.
Intii uu socday kullankaas ayaa loogahadlay sidii Hay’adda UNHCR kaalin ugu qaadan lahayd qaxootiga ku sugan Somaliland iyo sidii lagu caawin lahaa dadka barakacyaasha ah ee ay abaaburu haleeleen.
Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa usoo bandhigay hannaanka ay Somaliland ula dhaqanto qaxootiga kusugan halkaa iyo doorka ay tahay inay ka qaataan ka hay’ad ahaan.