Wararka
Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland oo xariga kajaray hoteel si casri ah looga dhisay Kismayo.
Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasabad xarigga looga jarayay Hotel kamida hoteelada kuyaalo Magaalada Kismaayo ee Caasimada Kumeel gaar ah ee Jubbaland oo si casri ah loo dhisay.
Hoteelkaan oo si casri ah loo qalabeeyey ayaa leh qayb loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah taas oo uu ugu duwan yahay Hoteelada kale.
Hoteelkaan ayaa lagu magacabaa Madiina waxaana horay loo yaqaaney Cas-casay. Ganacsatada maalgashatay hoteelkaan ayaa sheegay in hoteelka loo dhamaystiray tasiilaadkii looga baahnaa qaybaha kala duwan.