Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dhul ku wareejiyay Hay’adda bisha-cas.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta caafimadka bisha-cas Xafiiskeeda Caasimadda Galmudug ee dhuusamareb.

Kormeerka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa ku wehliyay wasiirka cadaaladda Galmudug, wasiiru-dowlaha wasaaradda Caafimadka Galmudug, Maamulka caasimadda, iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada dowladda Galmudug.

Cali Daahir Ciid ayaa indha-indheyn iyo kormeerka kadib saraakisha caafimadka bisha-cas ka dhageystay shaqada ay bulshada gobalka u hayaan iyo baahidooda, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku ballan-qaaday in bisha-cas lagu wareejin doono xarunta ay hadda ku shaqeyso oo ay hore u lahayd maxkamadda Racfaanka si loogu adeego bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda racfaanku la siinayo dhulkale oo ay dowladdu ku wareejin doonto.Image may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, screen and indoorImage may contain: 4 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, people walking and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close