Wararka
Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Jubbaland ooXariga Ka jaray Xaruunta Cusub ee Wsaarada Macdanta Jubbaland.
Xaflad lagu daahfurayay dhismaha cusub ee ay yeelan doonto wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubaland ayaa lagu qabtey magaalada Kismaayo, waxaana ka qeyb galay Madaxweyne ku xugeynka 1-aad ee Jubbaland ahna ku simaha Mdaxweynaha Maxamud Sayid Aadan, bahda Wasaaradda,Wasiiro ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.
simaha madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka 1-Aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan Ayaana Xariga ka jaray Dhismaha Xaruuntaasi Cusub.
Wasiirka Macdanta,Biyaha & Tamarta Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland waxaa uuna ka warbixaay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey dhismahan cusub ee maanta xarigga looga jarey Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland wuxuuna tilmaamay in dhismaahaasi baahi weyn ay u qabeen.