Wararka
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo kulan laqaatay odayaasha dhaqanka degmada Ceelwaaq.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan uu maanta la qaatay odayaasha dhaqanka,Ganacsasada iyo dhalinyarada ku dhaqan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa ay kaga wada hadleen sidii ay bulshada iyo Maamulkuba uga wada shaqayn lahaayeen Sugidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ayaamahaan safar shaqo ku jooga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo isagoo halkaasi kulamo kula yeelanaayay maamulka, Saraakiish Amisom iyo kuwa Soomaalida.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad Jubbaland ayaa maalintii shalay aheed isbedal ku sameeyay ciidamada ku dhaqan degmada Ceelwaaq iyo nawaxiigeeda iyadoona ugu danbeyn uu ciidanka kula dardaarmey in ay sii laba jibaaraan howsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.