Wararka

MADAXWEYNE JUBBALAND OO SHIR GUDOOMIYAY KULANKA GOLAHA WASIIRADA JUBBLAND

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga dooday qodoba ay kamid yihiin Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland kuwaas oo la kulmay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo Bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda.

Dhinaca kale waxaa warbixin la xeriirta fatahaadaha ka dhacay qaybo kamid ah deganadana Jubbaland Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Warsame Darwiish waxaa uuna xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyn laga gaadhay isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay.

Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee Bulshadu ay u baahan tahay waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo kasocda guud ahaan Jubbaland iyadoo hada shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha.Image may contain: 1 person, sitting, beard and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close