Wararka

Madaxweyne Framaajo oo guddi u saaray shaqaaqadii shalay ka dhacday gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa maanta magaalada muqdisho ku qabtay shir jaraa’id waxaa uuna ugu hadlay kiis  u dhawaan u xil saaray baaristiisa madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmajo.

Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, oo guddoomiya u haaa Guddi uu madaxweynaha u xilsaaray baaris kiis ka dhashay Iska hor imaad labadii Bishan ka dhacay Degmada Xamar weyne ee Gobolkaan Banaadir ayaa sheegay in ay soo afmeereen baaritaankii ay kiiskaas ka sameeyeen oo ay u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay qof shacab ah iyo askari ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, iyadoo uu ku dhaawacmay Sarkaal kale iyo dad shacab ah.

“Labadii Bishan Xamar weyne waxaa ka dhacay israsaaseyn qof shacab ah ku dhintay & askari ka tirsan Ciidamada Xoogga, waxaa kale oo ku dhaawacmay askar ka tirsan Ciidamada Xoogga, Ciidanka Booliska & Shacab, Madaxweynaha wuxuu wareegto ka soo saaray Guddi arrintaas baara oo xaqiiqadeeda ogaada, Guddigaasi oo aan aniga Gudoomiye u ahay, Muddo dheer aan baaris sameynay kadib aaqirkii waxaan soo gaarnay gun gaarkii, wax alle wixii ka soo baxay waxaan ku wareejinaynaa maxkamadda Ciidamada Qalabka.” Ayuu yiri Bashiir Goobe.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa sidoo kale sheegay in markale uu madaxweyne Farmaajo uu guddoomiya ugu dhigay guddi baaris ka sameyn doona dilkii shalay magaalada Beledweyne loogu geystay taliyihii Ciidamada Booliska gobolka Hiiraan waxaa uuna sheegay in uu lawadsaagi doona wixii kiiskaas kasoo baxo hay’addaha ay quseeyso shacabkana uu u soo bandhigi doona.

“Sidoo kale waxaa dhacday in shalay Degmada Baledweyne ay ka dhacday israsaaseyn, taas oo qayb ka yihiin Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Booliska & Ciidanka Sirdoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya ayaa maanta magacaabay Guddi aan aniga Gudoomiye ka ahay, sidoo kalena Xeer ilaalinta maxkamadda ay qayb ka tahay & xubno kale, taasi iyadana aan ku sameyn doono baaris, sababtoo ah meeshaas waxaa ku dhintay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska, waxaa kale oo ku dhaawacmay Saraakiil kale.”Ayuu yiri taliye Bashiir.

Natiijada sawirka taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close