Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur iyadoo ay isugu yimaadeen boqolaal ka mid ah Shacabka kunool dagmooyinka gobolka Banaadir oo u dabaal dagayay maamuuska maalinta Qiimaha leh ee 26-ka June.
Sidoo kale ubax dhiga taaladda waxa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaanada laba aqal ee barlamaanka , Saraakiil ciidan iyo mas`uuliyiin kale.
Munaasbadda maalinka 26 ka June ayaa ah maalin ku weyn dhamaan umadda Soomaaliyeed iyadoo ay 26-ka Jun ay gobolada waqooyi ka xorobeen dowlada Ingiriiiska.
Madaxweynahe Farmaajo ayaa ugu horeen Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Baanbeyda ,
Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur oo ah goob lagu xasuusto dadka dalka usoo halgamay.