Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYAY GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA IYO KU-XIGEENKIISA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo saboolnimada.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo

xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.
Madaxweynaha dowlada federaalka ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika sida lagu qoray Bogga warfaafinta dowlada.

Dib u soo doorashada Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa ayaa imanayso iyado ay dowlada federaalka khilaaf kale dhaxeeyo dowlada kenya taa oo Kiis keeda loo gudbiyay Midowga Africa ka dib markii ay dowlada ku kalsoonaan wayday Guddi ka socday Urur Goboleedka IGAD.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close