Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in Dowlada ay dardargalineyso Wadahadalada Soomaaliya Iyo Soomaaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo oo khudbad ka jeedinaayay Munaasabada 59sano guuradii kasoo wareegatay markii gobolada Waqooyi ee dalk ay Ka xuroobeen Ingiriiska aya sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay dardar galinta wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxa uuna xusay madaxweynuhu in tanaasul kasta ay u sameyn doonaan midnimada soomaaliya.
“Waxaan ku baaqiyaa in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya aan dardar galino, waxaan ku soconaa muddo 30-sano ah hadda oo umadda Soomaaliyeed waqti badan ka lumay gaar ahaan dhalinyarada, waxaa loo bahan yahay in runta la wajaho oo si walaaltanimo leh wadahadalkii ha kadka galay halkiisi laga sii wado” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kala maarmin sikastana ay iskuugu baahanyihiin isagoo sheegay in Soomaaliya mar’un isku imaan doonta.