Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Muqdisho Garoonka Koonis Kagala Qeyb Galay Munaasabada 1-da Luulyo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka dhacday Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

1-da Luuliyo ayaa sanadkasto waxaa loo dabaal dagaa maalintii xornimada iyo isku darkii goboladii koonfur iyo waqooyi waxaana munaasabada kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho si aysan wax carqalada ugu dhecin Garoonka inta ay socotay munaasabadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close