Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo munasabada 1-da May ugu hambalyeyay dhammaan shaqaalaha rayidka.
1-da May sanad kasta waxaa aduunka looga dabaal dagaa maalinta shaqaalaha adduunka iyadoo munasabadaas ay ku beegantahy maanta, madaxwaynaha dalka Mohamed C/llahi Farmaajo ayaana ugu hambalyeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May.
Madaxwaynaha ayaa garoowsaday in shaqaalaha rayidka ay ku shaqeyaan duruufa adag isagoo sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu mudnaan siiyay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda.
“waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna”.
Ugu danbayn madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay dardar galin doonaan dadaallada ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.