Wararka

Madaxweyne farmaajo oo markii labaad shir guddomiyay shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland waxaa maalintii labaad ka soconaayo shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii labaad shir guddoomiyay kullanka ayaa warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dagaannada waxa uu ka dhageystay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.

Madaxda ayaa warbixinada Kaddib, waxa ay guda galeen in ay ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wali wax war ah kama soobixin kulamada ay yeelanayaan madaxda dalka iyadoo ay horay u jirtay madmadoow ku kala jiray qaar kamida dowlad goboleedyada  iyo dowlada dhexe hasayeeshee wax gacan seddexaad ah kuma dhex jirta shirka hadda madaxda ugu soconaayo caasimada Puntland ee Garoowe taas oo muujinayso in ay jirta isku soo dhawaasha ka dhex muuqanayso dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close