Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Uganda.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusugan caasimada dalka Kenya ee Nairobi halkaas oo uu ugu qayb galaayo shir caalami ah ayaa waxaa uu kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.
Labada madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo amuuraha guud ee gobolka ee. Dowlada Uganda ayaa kamid ah dowladaha Africa ee ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaas oo dalka u jooga sugida aminga iyo ilaalinta kala danbaynta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inta uu jooga dalka Kenya in uu kulamo kale oo dheeraad ah uu la qaadan doona qaar kamid ah madaxda shirka kasoo qayb gashay.