Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan layeeshay guddomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.Image may contain: people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close