Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay guddiga Qaran ee Fatahaadaha iyo masuliyim kale.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay guddiga Qaran ee Fatahaadaha, xubno matalayey ganacsatada Soomaaliyeed iyo Culuma’udiin.
Kulankaan oo ahaa mid looga hadlaayay dhibaata iyo saameynta dadka shacabka ah uu ku yeeshay fatahaadda Wabiga shabelle uu ka sameeyey magaalada Baladweyne ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu muujiyey in xaaladda Baladweyne ka taagan ay waajib tahay in aan loo kala harin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in si looga hortago saameyn fatahaadaha, loona badbaadiyo bulshada ku dhibaateysan gobolo ay kamid yihiin Hiiraan, Bakool iyo Gedo ay lagama maarmaan tahay in la dardar geliyo gurmadka la sameynayo.
Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeediyey in Xukuumadda iyo Baarlamaankuba ay mushaaraadkooda qeyb kamid ah u qoondeeyaan gargaarka loo sameynayo shacabka dhibaateysan.