Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Alexander George Rondos.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos.
Socdaalka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos waxaa ku wehlinaayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.
Madaxweyne Farmaajo iyo Alexander ayaa intii uu kalanka socday waxaa ay kawada hadleen kaalinta Midoowga Yurub ka gaystaan dalka gaar ahaan dhinaca amniga, dhaqaalaha, shaqa abuurka iyo dhaqaalaha ay midoowga Yurub ku bixiyaan hay’addaha Garsoorka iyo hay’addaha ka shaqeeyo sareeynta sharciga sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Ahmed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika kala hadlay arrinta deyn cafinta oo Midowga Yurub kaalin wayn ka qaato iyo xaalada gobolka.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos ayaa madaxweynaha ugu mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay.