Wararka
Madaxweyne farmaajo oo kulan la qaatay Agaasimaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Agaasimaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta Lipton.
Madaxweynaha ayaa agaasimaha kala hadlay sidoo loo dar dar galin lahaa barnaamijka deyn cafinta dalka ee SMP4 waxaa uuna sheegay madaxweynaha in ay meel wanaagsan u marayaan barnaamijkaan oo la doonaayo in kor loogu qaado dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale war-qoraal ah oo uu soo galiyay bartiisa Twetter-ka ku sheegay in ay sii laba jibaari doonaan dadaalada ay ugu jiraan in dalka laga cafiyo deemaha tirade badan ee lagu leeyahay.