Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan dhanka Internetka ah la yeeshay Guddiga ka hortaga COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay kulan dhanka Internetka ah oo ay yeesheen  Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan laga maarmin ganacsatada, dhaqaatiirka, amniga dowladana ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonta sidii shacabka wax loogu qaban lahaa waxaa uuna intaasi ku daray in u jeedka guud uu yahay in shacabka soomaaliyeed ay ka bad baadaan xanuunkaani covid-19, iyo in ay helaan amni dhamaytiran.

Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka SOomaaliya xassan cali khayre dadaalkiisa ku aadan ka hortaga faafida xanuunka coronaviruska iyo xubnaha kale ee guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19.Image may contain: 1 person, screenImage may contain: 1 personImage may contain: screen

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close