Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHADKA TALEEFANKA KULA XIRIIRAY RAIISUL WASAARAHA SUUDAAN.

Madaxweynaha dowlada dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la dareemayaan walaalahooda Suudaan murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda dalkaasi khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhshay fataahadaha ku dhuftay dalkaas.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed garab istaagga walaaltinimo ee ay u muujiyeen dalkiisa, gaar ahaan in Muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan dalkeenna laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close