Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA CABDI MURIIDI DHEERE (AJAKIS)

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij Soosaare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maandhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.
“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri   Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close