Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.