Wararka
Madaxweyne farmaajo oo ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilawday magaalada Kampala.
Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.
Wafdiga Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo argagaxisada.