Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa.

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu gaaray Garoonka diyuuradaha ee Bole waxaa si diirran usoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya oo uu ugu horeeya Amb. Cabdixakiin Cabdullaahi Camey.
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinaayay wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Ciise Cawad.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ah mid aan horey loo shaacin sidoo kale wax faahfaahin ah lagama soo saarin ilaa hadda socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa.