Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal Hambalyo ah u diray Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweynaha dowlada federalka ah ee Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajoo ayaa Hambalyo u diray Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ku guulaystay Abaalmarinta Nabada.
Madaxweynaha oo war-qoraal ah soo dhigay Bartiisa Twetter-ka ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy uu u qalmo in lagu abaal mariyo biladda Nabadda.
MadaxweyneFarmaajo ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la shaqaynta kala dhaxayso Abiy Ahmed ee ku aadan adkeynta xeriirka Gobolka.
“Waxaan si galgacalnimo leh ugu hambalyeyniyaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed Ali ku guulaysigiisa abaal marinta Biladda nabadda sanadkaan. Wuu u qalmaa ku guulaysigiisa. Waan ku faraxsanahay lashaqayntiisa ku aadan adkeynta xeriirka gobolka”. Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.