Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/lahi Farnaajo  iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo ayaa maanta  Dalka dib ugu Soo Laabtay Kaddib Markii ay Magaalada Addis Ababa eecaasimada dalka Itoobiya  uga Qeyb-galeen Shir Madaxeedkii Urur Gobolleedka IGAD.

Shir Madaxeedka 13-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qeyb galayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa laga soo saaray go’aanno waxtar uleh wax wada qabsiga shucuubta Gobolka.

Shir Madaxeedka 13-aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa intii uu socday waxaa Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD loo doortay  Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan sidoo kale Workneh Gebeyehu ayaa isna loo magacaabay Xoghaya Guud ee IGAD.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close