Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY SANAD GUURADA 77-AAD EE AAS AASKOODA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 77-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay naftooda u huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close