Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay maamulka gobolka Banadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku bogaadiyey doorka ay ka qadanayaan Barnaamijka Isxilqaan.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamulka.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey maamulka doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.
“Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.
Xubnaha maamulka gobolka Banadir ku matalaayay shirka waxaa kamid ahaa Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.