Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay hawlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka wadaan.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee ku dhex yaalla madaxtooyada ayaa bogaadiyay hawlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan qaar ka mida gobolada dalka.

Madaxweyne farmajo ayaa xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amniga isla markaana qof kasta uu qaato doorkiisa ku aadan amniga dalka .

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab aysan marna la dagaalami doonin dowladdaha ka dambeeya, islamarkaana Muddo xileedka u dhiman lagu soo Afjari doono.

“Dowladihii iga horeeyay dadaal weyn ayay ku bixiyeen inay ka shaqeeyaan amniga annigana waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah.”ayuu yiri Madaxweyne  Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku macneeyay sababaha marwalba ay Al-Shabaab weerarada uga geystaan Muqdisho inay tahay in la yiraahdo dowlad kama jirto Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close