Wararka

Madaxweyne Farmaajo “ma Jiro wax Soomaalinimo ka Yar oo na deeqi karo”

Madaxweynaha Jamjuurida Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah maanta u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya 2019.

Madaxweynaha ayaa intii uu waday Khudbada furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa uu soo hadal qaaday guulihii ay gaartay dowlada uu hoggaamiyo waxaa uuna sheegay in ay wanaajiyeen xeriirka dowlada Soomaaliya kala dhaxeeya beesha caalamka iyo dowladaha dariska la ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay In dalka uu ku jiro xaalada dagaal waxaa uuna xusay in dowlada Soomaaliya ay guula la taaban karo laguna naaloon karo ay ka gaartay dagaalka kala dhexeeyo Al-shabaab balse madaxweynaha ayaa xasuusisay Golaha shacabka in wali ay socota howlgalada ay dowlada kula dagaalamayso Al-shabaab.

Mohamed Abdullahi Farmaajo, madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid uu saxiiisay ilaa afar sharci oo uu kamidka yahay sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqa waxaa uuna Mudanayaasha Golaha Shacabka ka codsaday in ay der-der galiyaan ansaxinta sharciyada horyaallo oo ay kamidka yihiin sharciga Doorashooyinka Qaranka si ayuu Yiri “dalka uu u gaaro doorasha qof iyo cod ah”.

“Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa oo gundhig u ah aasaasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taaba gasha. Shuruucda aan saxiixay iyo kuwa kale ee idin horyaalaba waxay muhiim u yihiin taaba-gelinta qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda”. ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Madaxweynaha dowladafederaalak Soomaaliya ayaa markale balan qaaday in dowladiisa ay ka shaqeyn doonta sidii loo gaari lahaa qaranimo Soomaaliyeed oo waarta, saldhig adagna leh, Umadda Soomaaliyeedna u siman tahay sidoo kale waxaa uu shacabka Soomaaliyeedk ka codsaday in ay garab siiyaan dowlada.

“Waxaan sidaan horay idinkuugu balan qaadayba naga go’an sidii loo gaari lahaa qaranimo Soomaaliyeed oo waarta, saldhig adagna leh, Umadda Soomaaliyeedna u siman tahay, waxaan sidaasi si la’eg Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqiyaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladooda kuna garab Istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa hadafka Guud oo ah sidii loo heli lahaa qarannimo iyo midnimo Soomaaliyeed.ma Jiro wax Soomaalinimo ka Yar oo na deeqi karo”.ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close