Wararka
Madaxweyne Farmaajo Oo Magaalada Sharma Sheikh Ee Dalka Masar Kula Kulmay Madaxda Dalalka, Ciraaq, Sweden Iyo Taliyaaniga
Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte.
Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.
Dhanka Kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven Oo Kulmay ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Ugu Dambeyntii Madaxweyne Farmaajo Ayaa Sidoo Kale Sharma Sheekh Kula Kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Isagoona kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, Wuxuuna Madaxweyne Farmaajo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.