Wararka

Madaxweyne Dini oo kulan la qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhaweeyey kulana kula qaatay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafe Cumar.

Madaxweynaha waxaa kulanka kuwehlinaayay qaar kamida golahiisa wasiirada sidoo kale safiirka waxaa isna dhankiisa kulanka goob joog kala ahaa qunsuulka Itoobiya u jooga Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horeyn madaxweynaha Puntland Sacid C/lahi Dini oo ka warbixiyay kulankii ay yeesheen isago iyo safiirka ayaa sheegay in ay kawada hadleen sidii loo xojin lahaa xeriirka Puntland iyo Itoobiya waxaa uuna u mahadceliyay Safiirka Itoobiya isagoo u rajeeyay in uu safaro kala ku soo booqan doona Puntland.

Safiirka dalka Itoobiya Jamaaludiin Mustafe Cumar ayaa isna ka warbixiyay waxa uu ahaa socdaalka ay ku tageen Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uuna sheegay in ay u tageen Puntland sidii ay indha-indheen ugu sameyni lahayeen shaqada ay wado qunsuuliyada Itoobiya ku leedahay Puntland sidoo kale waxaa uu sheegay in ay wadahadalo la qaateen golaha wasiirada ee Puntland iyagoo kala hadlay sidii loo xojin lahaa xeriirka Puntland iyo Itoobiya iyo sidii la’iskaga kaashan lahaa dhinacyada amniga iyo ganacsiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close