Wararka

Madaxweyne Dini oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland.

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeysay geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland. Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Alle ha naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur ayaa maanta  Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa aas aasayaashi dowlada Puntland, isagoona soo qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo intee uu ka shaqeynaayay uu ka gaaray horumaro la taaban karo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, dhamaan shacabka Puntland,  bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close