Wararka
Madaxweyne Diini oo ka tacsiyayeeyay Geerida Allah u naxariistee Cabdi Cabdulle Siciid.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa umada Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland kaga tacsiyayeeyay Geerida Allah u naxariistee Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday magaalada Qardho.
Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay dowlad goboleedka Puntland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.
“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.