Wararka
Madaxweyne Deni oo sheegay in uu safar ku tagi doona Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo looga hadlay go’aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland iyo qorshaha Dowladda ee ka hortaga Caabuqa Coronovirus.
Siciid Cabdullaahi, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in go’aamo lagu gaaray kulanka Golaha Wasiirada oo ku saabsan ka jawaabista baaqii iyo soojeedintii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland iyo qorshaha Dowladda ee ka hortaga Caabuqa Coronovirus.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay safar ku tagi doonaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo caasimadaha maamul Goboleedyada dalka Ka jiro si ay gogol xaar ugu sameeyaan shir wayno ka qabsoomi dooma Magaalada Garowe sida uu sheegay.
“Goluhu waxaa uu isla gartay inaan aniga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ku tagno caasimada dalka iyo caasimadaha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Soomaaliyeed si aan gogol xaar ugu samayno si ay gogoshaas miro dhasho” ayuu yiri Madaxweyne Deni.