Wararka

Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland u diyaar garoowday Maalgashi dhinacyo badan leh.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey.

“Waxaan rabaa inaan idiin dulmaro dadka goostay in sadexda sano ee Soosocda ay Puntland maalgashtaan waxay wadartoodu dhantahay 464 Million shirka ayaa laga dhaxlay in dadku ogaado, dowladduna ogaato qorshaha maalgelintaas, waxaan arkay intaan shirkan joogney oo aan la kulmaayey martida laba qof oo markii ugu horaysey Africa timi, gaar ahaan Puntland yimid, waxaa sababay inay yimaadaan muhiimadda shirkan, waana dhicikartaa dadkale inay jiraan oo aanan ani arag” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo waxbadan kusoo kordhiya Puntland, waxa uu xaqiijiyey in dedaalka ugu badan uu ku bixin doona la dagaalanka Al-shabab waxaana uu ugu dambayn soo afmeeray Shirka maalgashiga Puntland oo soconaayey muddo sadex cisho ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close