Wararka

Madaxweyne Deni oo sheegay in ay ka go’antahay hergalinta nidaam dowladdeed kuna dhisan sharci iyo kala dambayn.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qayb galay Madasha 8-aad ee PDRC Talks ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso taas oo uu kaga hadlay xaaladda Guud ee Puntland iyo Doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland ayaa intii uu khudbada waday waxaa uu ka hadlay sida ay ka xukuumad ahaan u doonayaan in ay ku dhamaystaan sanadaha u haray iyo qorshaha u dagsan waxaa uuna sheegay in ay ka go’antahay Tayaynta Dowlad goboleedka  Puntland iyo hiigsiga nidaam dowladdeed kuna dhisan sharci iyo kala dambayn.

“waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo sida aan rabno inaan u dhigno oo ay noogu dhammaato haddii Alle idmo, waxaan oran karaa marxaladdan waa Tayaynta dowladda Puntland iyo hiigsiga nidaam dowladdeed kuna dhisan sharci iyo kala dambayn. Xukumaddan waxay dadka u cadyndoontaa waxqabadka dowladda dabcan waxay kusoo koobtay 8 yool iyo 60 shaqo hawleed, astaynta saldhigga Tayaynta, waxaan rabnaa inaan tayayno dhinaca Amniga, inaan tayayno dhinaca ciidanka, dhinaca dhaqaalaha, Dhinaca shur” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.Image may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: 6 people, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close