Wararka
Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Guddoomiyaha Gobolka Bari loogu magacaabay Cabdisamad Yuusuf Maxamed halka Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu loo magacaabay Muuse Saalax Guuleed.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleeka Puntland waxaa lagu sheegay in magacaabistaan ay timid kadib soo jeedin madaxweyne deni kasoo gaartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta dowlad goboleedka Puntland.