Wararka
Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
Madaxweynaha dowlada Goboleedka Puntland Saciid C/lahi Deni ayaa Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.
Madaxweyne Saciid C/lahi Deni ayaa isagoo tixgalinaayo Dastuurka Dowlad goboleedka Puntland waxaa uu xeeriyay xunba gaaraayo 9-xubnood kuwaas oo si ku meel gaar ah ugu sii wadi doona howlihii guddiga Doorashooyinka Puntland.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa u qornaa sida tan:
Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.
Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.
Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.
Wuxuu Xeeriyey.
Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.
- Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
- Sahra Jaamac Saalax
- Cali Jaamac Faarax
- Cabdullaahi faarax Mire
- Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
- Guulleed Saalax Bare
- Jaamac Xirsi Faarax
- Xafso Salaad Maxamed
- Cadirisaaq Axmed Siciid
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.